Cumar Cartan ayaa gaaray magaalada Salzburg ee dalka Austria.
Garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalamiga ah ayaa halkaas u jooga kulanka UEFA Super Cup ee u dhexeeya PSG iyo Aston Villa. Cumar ayaa shalay galab gaaray Salzburg, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Muuqaallo laga duubay garoonka diyaaradaha ayaa muujinaya taageerayaal soo dhaweynaya garsooraha Soomaaliyeed.
UEFA-na waxay baraha bulshada ku baahisay sawirro iyo muuqaal ku saabsan imaatinkiisa Salzburg.
Cartan ayaa loo xushay inuu dhex dhexaadiyo UEFA Super Cup, oo ay ku kulmayaan labada kooxood ee waa weyn ee Yurub, PSG iyo Aston Villa.
Laakiin safarka Cartan ee Salzburg… ma ahayn mid si sahlan ku bilowday. Wuxuu xitaa ku qasbanaaday inuu beddelo shirkaddii diyaaradda iyo tikidhkiisii safarka.
Axaddii, Cartan wuxuu Muqdisho uga ambabaxay safar uu qorshuhu ahaa inuu ku maro Addis Ababa iyo Frankfurt, ka hor inta uusan gaarin Salzburg.
Hase yeeshee, waxaa soo baxay warar sheegaya in boarding pass-kiisa laga kansalay, inkastoo uu haystay tikidh iyo fiiso Schengen oo sax ah.
Arrintan ayaa la sheegay inay timid kadib qoraal uu Cartan baraha bulshada ku dhaliilay adeegga iyo dib-u-dhacyada Ethiopian Airlines.
Qoraalka ayaa markii dambe la tirtiray. Cartan ayaa markii dambe beddelay shirkadda diyaaradaha, wuxuuna safarkiisa ku sii watay Turkish Airlines, isagoo Istanbul uga duulay Austria.
Kullanka PSG iyo Aston Villa ayaa ka mid ah kulamada waaweyn ee heerka Yurub ee uu dhex dhexaadinayo Cumar Cartan, isagoo sii xoojinaya magaca Soomaaliya ee garoomada ugu waaweyn kubadda cagta caalamka.
