Garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalamiga ah, Cumar Cabdullaahi Cartan, ayaa caqabad safar kala kulmay Ethiopian Airlines, xilli uu ku sii jeeday Austria si uu uga qeyb qaato howl garsoor ee UEFA Super Cup. Cartan ayaa Axaddii ka ambabaxay Muqdisho, isagoo qorshuhu ahaa inuu u safro Addis Ababa, Frankfurt iyo ugu dambeyn Salzberg, Austria.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in shaqaalaha Ethiopian Airlines ee garoonka ay kansaleen boarding pass-kiisa, inkastoo uu haystay tikidh safar iyo fiiso Schengen oo sax ah.
Sida xogaha la helayo, dhacdadan ayaa timid wax yar kadib markii Cartan uu baraha bulshada ku dhaliilay adeegga iyo dib-u-dhacyada Ethiopian Airlines. Qoraalka ayaa markii dambe laga saaray bartiisa Facebook.
Si kastaba, lama xaqiijin in qoraalkaasi uu si toos ah sabab ugu ahaa in boarding pass-ka garsooraha la joojiyo. Cartan ayaa markii dambe beddelay shirkadda diyaaradaha, isagoo safarkiisa ka sii watay Turkish Airlines. Wuxuu Addis Ababa uga sii duulay Istanbul, halkaas oo uu uga sii gudbay Austria.
Tani ma aha markii ugu horreysay ee garsooraha Soomaaliyeed uu caqabado kala kulmo safarrada caalamiga ah. Horraantii sanadkan, Cartan ayaa la kulmay caqabad la xiriirta safarkiisa Mareykanka xilli uu usocday Koobka Adduunka 2026, iyadoo loo xushay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha tartanka.
Dhacdooyinkaas ayaa mar kale dhaliyay su’aalo ku saabsan caqabadaha socdaalka ee garsoorayaasha Soomaaliyeed ee ka qeyb gala tartamada caalamiga ah.
Cartan ayaa la filayaa inuu gaaro Austria, halkaas oo uu kaga qeyb qaadan doono howlaha garsoor ee UEFA Super Cup, oo dhexmaraya Paris Saint-Germain iyo Aston Villa.
