August 12, 2026

Kooxo u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa dacwad ka gudbiyay maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyagoo doonaya in la joojiyo qorshaha lagu soo afjarayo “ilaalilinta ku-meelgaarka ah” ee kumannaan Soomaali ah ku joogaaan dalka Mareykanka.

Dacwadda, oo la gudbiyay Isniintii, ayaa ka dhan ah Wasaaradda aminga gudaha ee Mareykanka, kaddib markii wasaaraddu ku dhawaaqday in la joojinayo barnaamijka Xaaladda Ilaalinta Ku-Meelgaarka ah (Temporary Protected Status – TPS) ee Soomaalida laga bilaabo 17-ka Maarso.

Barnaamijka Ilaalinta Ku-Meelgaarka ah (TPS) waa nidaam bini’aadantinimo oo u oggolaanaya muhaajiriinta ka imanaya dalal ay ka jiraan dagaallo, masiibooyin dabiici ah ama xaalado degdeg ah inay si ku-meelgaar ah uga badbaadaan masaafurin, isla markaana ay si sharci ah uga shaqeystaan gudaha Mareykanka.

Kooxaha dacwadda gudbiyay — oo ay ka mid yihiin African Communities Together iyo Partnership for the Advancement of New Americans — ayaa ku dooday in go’aanka lagu joojinayo barnaamijka uu yahay mid sharci darro ah oo ku saleysan takoor.

Dacwadda ayaa sidoo kale tixraacaysa hadallo hore oo uu jeediyay madaxweyne Trump oo uu si xun uga hadlay Soomaalida, taas oo qareennadu ku sheegeen inay muujinayso in go’aankaasi uu ku saleysan yahay nacayb iyo ajande hore loo qorsheeyay.
Dhanka kale, xogta dowladda Mareykanka ayaa muujineysa in ku dhawaad 1,082 Soomaali ah ay hadda haystaan xaaladda TPS, halka in ka badan 1,300 qof ay weli sugayaan in codsiyadooda la go’aamiyo.

Go’aanka lagu joojinayo barnaamijkan waxaa markii hore ku dhawaaqday bishii Janaayo xoghayihii hore ee amniga gudaha Kristi Noem, iyadoo sheegtay in xaaladda Soomaaliya ay “soo hagaagayso”.

Soomaaliya waxaa markii ugu horreysay loo aqoonsaday barnaamijka TPS sanadkii 1991, xilligii uu dalka galay burbur dowladeed iyo dagaal sokeeye. Tan iyo markaas, ilaalintan ku-meelgaarka ah ayaa marar badan la kordhiyay, kii ugu dambeeyayna wuxuu dhacay 2024.

Maamulka Trump ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu joojiyo TPS-ka dalal kale, arrin dhalisay dacwado sharci oo dhowr ah. Tusaale ahaan, maamulka ayaa sheegay inuu u gudbin doono dacwad U.S. Supreme Court si loo joojiyo TPS-ka boqollaal kun oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda Haiti iyo kumannaan kale oo ka soo jeeda Syria.

Arrintan ayaa si gaar ah u saameyn karta bulshada Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota, halkaas oo kumannaan Soomaali ah ay deggen yihiin, isla markaana ay dhawaan ka dhaceen mudaaharaadyo ka dhan ah siyaasadaha adag ee la xiriira socdaalka.

Dacwadda cusub ayaa hadda sugaysa go’aanka maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada Boston, iyadoo natiijadeedu ay saameyn weyn ku yeelan karto mustaqbalka Soomaalida ku nool Mareykanka.

Leave A Reply

Exit mobile version