November 14, 2026

Khasaaraha ka dhashay dagaalladii ugu dambeeyay ee magaalada Baydhabo ayaa kordhay, iyadoo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) uu sheegay in 148 qof oo dhaawac ah lagu daweeyay afar isbitaal, kaddib dagaalladii dhacay 28-kii Sebtembar.

ICRC ayaa sheegtay in 106 bukaan lagu daweeyay laba isbitaal oo dowladeed, halka 42 qof oo kale lagu daweeyay xarumo caafimaad oo gaar loo leeyahay.

Hay’addu ma aysan kala caddeyn tirada dadka dhaawacmay ee rayidka ah iyo kuwa dagaallamayaasha ah, sidoo kalena ma aysan bixin tiro rasmi ah oo isku-dar ah oo ku saabsan dadka ku dhintay dagaallada.

Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa Bandow habeenkii ah ka dhaqan geliyay Baydhabo, kaas oo xaddidaya dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka aan muhiimka ahayn wixii ka dambeeya salaadda Maqrib.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Korsaa, ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay xasilinta magaalada, kaddib isku dhacyo soo noqnoqday.

Dagaalladii ugu dambeeyay ayaa ahaa isku dhicii saddexaad ee waaweyn ee Baydhabo ka dhaca tan iyo 17-kii Agoosto, taasoo muujinaysa weli jirta khatarta amni, iyadoo ay socdaan dadaallo siyaasadeed oo lagu dhex-dhexaadinayo dhinacyada, kuwaas oo uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Leave A Reply

Exit mobile version