November 14, 2026

Guddiga Midowga Afrika ayaa Itoobiya, Eritrea iyo Masar ugu baaqay inay muujiyaan “is-xakameyn buuxda”, iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka diblomaasiyadeed ee saddexda dal.

Bayaan uu Midowga Afrika soo saaray 1-dii Oktoobar, ayaa lagu sheegay in dowladuhu ay ka fogaadaan tallaabooyin ama hadallo sii kordhin kara xiisadda, isla markaana ay ilaashadaan waddooyinka wada-hadalka diblomaasiyadeed.

Midowga Afrika wuxuu sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay, isagoo la tashanaya saddexda dowladood, inuu gacan ka geysto dejinta xiisadda iyo dib u bilaabista wada-hadalka.

Faragelinta Midowga Afrika ayaa timid xilli xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu si weyn u xumaaday. Itoobiya ayaa xirtay safaaraddeedii Asmara, waxayna Eritrea ka cayrisay 10 diblomaasi, kaddibna Eritrea ayaa ku dhawaaqday inay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Itoobiya.

Itoobiya iyo Masarna waxay sidoo kale qaadeen tallaabooyin is-daba joog ah oo ay diblomaasiyiin uga ceyriyeen dalalka kale.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli dagaalladu ay ka sii xoogeysanayaan waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan colaadda u dhexeysa ciidamada Tigray iyo kuwa dowladda federaalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa horey Eritrea, Masar iyo Suudaan ugu eedeysay inay taageerayaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda, balse dalalkaasi way diideen eedeymahaas.

Saameynta Soomaaliya

Xiisadda sii kordheysa waxay sidoo kale yeelan kartaa saameyn dhinaca amniga ah oo ku saabsan Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Itoobiya waxay Soomaaliya ku leedahay ciidamo milatari oo muhiim ah, halka Masarna ay ballaarinaysay iskaashiga amni iyo milatari ee ay la leedahay Muqdisho.

Sidaas darteed, sii xumaanshaha xiriirka u dhexeeya Itoobiya, Eritrea iyo Masar wuxuu saameyn ku yeelan karaa isku-dhafka amni iyo siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.

Leave A Reply

Exit mobile version