Dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran ayaa sare u qaadaya qiimaha shidaalka Afrika, taas oo walaac ka dhalisay wax-soo-saarka beeraha iyo qiimaha cuntada.
Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in haddii carqaladaha marinka Hormuz ay sii socdaan, saameyntu ay gaari karto dalagyada la goosanayo sannadka soo socda iyo awoodda dadka ee ay ku iibsan karaan cuntada.
Luz Maria de la Mora, oo ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Ganacsiga iyo Horumarinta, UNCTAD, ayaa sheegtay in qiimaha bacrimintu si weyn u kordhay, taas oo dalalka qaarkood ku qasabtay inay yareeyaan isticmaalkeeda.
Waxay ka digtay in bacriminta oo yaraata ay hoos u dhigi karto wax-soo-saarka beeraha xilliga soo socda, isla markaana ay kor u qaadi karto qiimaha cuntada.
Saameyntu isku mid kama aha dhammaan dalalka Afrika. Soomaaliya ayaa si weyn ugu tiirsan badeecada dibadda laga keeno. Wax-soo-saarka cuntada gudaha ee dalka ayaa durba wajahaya culeyska sare u kaca shidaalka iyo korontada
Carqaladaha ka jira marinka Hormuz waxay saameynayaan silsiladaha sahayda ee ka baxsan shidaalka. De la Mora ayaa sheegtay in saameyntu ay sii dheeraatay marka loo eego muddadii markii hore la filayay.
Marinka Hormuz ayaa horay u qaadi jiray ku dhowaad shan-meelood meel ganacsiga caalamiga ah ee shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah
Walaaca ugu weyn ee Afrika hadda waa sida shidaalka iyo bacriminta qaaliyoobay ay u saameyn doonaan wax-soo-saarka beeraha iyo awoodda qoysasku u leeyihiin inay helaan cunto qiimaheedu la awoodi karo.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Ganacsiga iyo Horumarinta ayaa ka digaysa in haddii isticmaalka bacrimintu sii yaraado, saameynta laga dareemi karo dalagyada sannadka soo socda iyo qiimaha cuntada. Taas oo ka dhigan in dagaalka Bariga Dhexe uu cawaaqib dhaqaale iyo mid cunto ku yeelan karo dalal badan oo ka fog goobta colaadda.
