November 15, 2026

Militariga Uganda ayaa beeniyay warar sheegaya in weerar kooxda Al-Shabaab ku qaadday ciidamo ka baxayey gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 10 ilaa 11 askari oo ka tirsan ciidamadeeda.

Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) ayaa wararkaas ku tilmaamay kuwo been abuur ah, iyagoo Al-Shabaab ku eedeeyay faafinta warar marin-habaabin ah iyo dacaayad. Ilaa hadda si madax-bannaan looma xaqiijin weerarka la sheegay iyo tirada askarta la sheegay in lagu dilay.

“Ciidamada difaaca ayaa beeniyay wararka lagu baahiyay baraha internetka ee sheegaya in ciidamadooda lagu weeraray laguna dilay Soomaaliya…” _Denis Katungi, ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Warbaahinta Uganda

Diidmada Uganda ayaa timid xilli ay ku dhawaaqday inay billowday qorshe ay si tartiib-tartiib ah ciidamadeeda ugala baxayso Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay ka qayb qaadanayeen hawlgallada amniga dalka.

Labadii bishan, Ugandha ayaa kooxdii ugu horreysay ee ciidamo ku joogay Soomaaliya heshiis amni oo laba geesood ah dib u celisay. Ugaandha waxay sheegtay inay qorshaynayso inay ciidamadeeda oo dhan, oo ay ku jiraan kuwa ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kala baxayso Soomaaliya dhammaadka sannadka 2027.

Ugandha waxay ciidamadeedii ugu horreeyay Soomaaliya usoo dirtay bishii Maarso 2007, xilligaas oo ay ku jireen howlgalka AMISOM. Waxay weli tahay dalka ugu badan ee ciidamo ku biiriya AUSSOM, iyadoo Soomaaliya ka joogaan ku dhowaad 4,500 oo askari.

Qorshaha bixitaanka ciidamada Ugandha ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay weli dagaal kula jirto Al-Shabaab, taasoo keentay su’aalo ku saabsan mustaqbalka howlgalada amniga iyo awoodda ciidamada Soomaaliyeed ee la wareegidda mas’uuliyadda sugidda amniga dalka.

Leave A Reply

Exit mobile version