Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay isla markaana diiday tallaabo ay Israa’iil ku sheegtay inay wakiil diblomaasiyadeed ugu magacaabayso Somaliland, iyadoo ku tilmaantay mid si toos ah u dhaawaceysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dalka Soomaaliya.
Israa’iil ayaa la sheegay inay magacaawday wakiil diblomaasiyadeed oo u qaabilsan arrimaha Somaliland, tallaabadaas oo loo arko mid wax ka beddeli karta jihada siyaasadeed ee gobolka. Magacaabistan waxaa ansixiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil kaddib kulan ay yeesheen guddiga u qaabilsan magacaabista diblomaasiyiinta.
Warbaahinta Israa’iil ayaa Arbacadii werisay in Michael Lotem—oo horey u soo noqday safiirka Israa’iil u fadhiya Kenya—loo magacaabay doorkan, taas oo sii xoojisay hadal-heynta ku saabsan xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland.
Bishii Febraayo, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cirro, ayaa saxiixay wareegto uu ku magacaabay Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud inuu noqdo safiirka Somaliland u fadhiya Israa’iil.
Magacaabistan ayaa imanaysa kaddib wada-hadal taleefan oo dhacay 26-kii Diseembar 2025, kaas oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Wicitaankaasi ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay muujisay tallaabooyin u dhow aqoonsi.
