August 12, 2026

Waxaa maanta la dhaariyay xildhibaannada golayaasha deegaanka ee dhamaadkii sanadkii hore lagu doortay Gobolka Banaadir.

Doorashada xildhibaanada ayaa u dhacday qaab qof iyo cod ah, iyadoo loo codeeyay xisbiyada, ka dibna xisbigu uu soo xulayo qofka noqonaya xildhibaanka golaha deegaaka. Taas oo ka dhigan in xisbiga marka hore helaya kursiga xildhibaanka.

Guud ahaan, 390 xildhibaan oo gole deegaan ah ayaa la dhaariyay, kuwaas oo 291 ka mid ahi ay yihiin rag, halka 99 xubnood ay dumar yihiin.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ah u qabtay doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir 25-kii Diseembar ee sannadkii hore.

28-dii Maarso ayaa Maxkamadda Sare ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si kama dambeys ah u ansixisay doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo guddiga doorashooyinka qaranku hore ugu dhawaaqay natiijadooda ku-meel-gaarka ah.

Haddaba, su’aasha la isweydiinayo ayaa ah: nidaamkan cusub ee qof iyo cod ma horseedi doonaa matalaad dhab ah oo ka tarjumaysa addeeg iyo rabitaanka shacabka.

Leave A Reply

Exit mobile version