August 12, 2026

7-dii April ee bishan, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay in 28-ka April loo asteeyay waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashooyinka isku sidkan ee Koonfur Galbeed.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan, doorashooyinkan ayaa lagu qaban doonaa 11 degmo oo ka kala tirsan saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Degmooyinka la qorsheeyay in laga qabto doorashada waxaa ka mid ah: Bardaale, Baydhabo, Qansaxdheere, Diinsoor, Buurhakaba, Xuddur, Waajid, Wanlaweyn, Afgooye, Baraawe iyo Marka.

Magaalada Baydhabo waxaa kusii socda musharrixiinta u tartamaya hoggaanka maamulkaas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa shalay gaaray Baydhabo, halka maanta uu isna gaaray Cabdicasiis Maxamed Cusmaan Jawaari, oo kamid ah musharrixiinta xilka madaxweynaha. Sidoo kale, tartanka waxaa ku jira musharrixiin kale oo uu kamid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Guddiga ayaa xusay in doorashooyinkan ay noqon doonaan kuwo qof iyo cod ah, taas oo ka dhigeysa Koonfur Galbeed maamulkii ugu horreeyay ee dalka ka hirgeliya nidaamkan casriga ah ee dimuqraadiyadeed.

Si kastaba, waxaa jira caqabado dhowr ah oo shaki gelinaya suurtagalnimada in doorashooyinkan ku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay.

Waxaa jira kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee siyaasadda, taas oo ku saabsan sida doorashada loo maamulayo, kalsoonida lagu qabo guddiga, iyo suurtagalnimada in doorasho xor iyo xalaal ah lagu qabto xaaladaha jira.

Gaarsiinta agabka doorashada, gaar ahaan degmooyinka fogfog iyo meelaha ay adag tahay in la gaadho iyo waqtiga oo ciriiri ah ayaa ah arrimaha wajahaya guddiga iyo hay’adaha ku lugta leh diyaarinta doorashada.

Leave A Reply

Exit mobile version