November 14, 2026

Khilaafka dowladda federaalka iyo mucaaradka Soomaaliya ayaa salka ku hayaa arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo sida hadda la hadal hayo qorshe hub ka dhigis. Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho iska horimaad hubeysan Iyadoo axadda galabtii ay soo bexeen eedeymo ay isdhaafsanayaan Hay’adda Nabad suggidda iyo madaxweynihii hore Shariff Sheikh Axmed. 

NISA ayaa ku eedeysay maleeshiyaad hubeysan oo ay sheegtay inay Shariif Sheekh Axmed ka amar qaataan inay weerareen ciidamada Ilaalada Shacabka ee hay’adda.

Madasha Mustaqbalka, Xisbiga Xaqsoor, Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa dhaqdhaqaaqa ciidamada NISA ku tilmaamay daandaansi iyo u adeegsiga hay’adaha amniga dano siyaasadeed.

Leave A Reply

Exit mobile version