August 12, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay dhowr qof oo ku labisnaa dareyska Ciidanka Xoogga Dalka, kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal ay ku dul taagan yihiin calanka Mareykanka.

Falkaas ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, wuxuuna dhaliyay falcelin gudaha iyo dibaddaba.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay inay billowday baaritaan rasmi ah.
Waxay caddeysay in dadka muuqaalka ku jira ay ku kaceen fal aan waafaqsanayn anshaxa ciidamada, isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Wasaaraddu waxay sidoo kale carrabka ku adkeysay in falkan uusan ka tarjumayn mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan Dowladda Mareykanka.

Tani ma aha markii ugu horreysay ee dhacdo noocan oo kale ahi dhacdo. Hore waxaa magaalada Nairobi uga dhacay muuqaal la mid ah, kaas oo ay sameeyeen dhallinyaro Soomaaliyeed.

Markaas, Dowladda Soomaaliya waxay bixisay raalligelin rasmi ah, waxaana warbaahinta la hadlay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Falalkan ayaa lagu tilmaamay kuwo dhaawici kara sumcadda ciidamada Soomaaliyeed iyo sawirka Soomaaliya ee caalamka, waxayna saameyn ku yeelan karaan Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan marka la eego dareenka naceybka iyo takoorka ay mararka qaar la kulmaan.

Mareykanka ayaa ka mid ah saaxiibbada ugu waaweyn ee Soomaaliya, isagoo ka taageera dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo taageerada la dagaallanka Al-Shabaab.

Sidaas darteed, dowladda ayaa u muuqata inay dooneyso inay si degdeg ah uga jawaabto dhacdadan, isla markaana caddeyso inaysan ka tarjumayn siyaasaddeeda rasmiga ah.

Leave A Reply

Exit mobile version