November 14, 2026

Maalintii shalay, madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa soo kala saaray warqado rasmi ah oo ay ugu yeerayaan xildhibaannada maamulladooda ku metela Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Labada warqadood waxay xambaarsanaayeen casuumaad shir wadatashi ah oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, kulankaas oo qorshuhu ahaa inuu furmo 2-da Maarso.

Wafdiga xildhibaannada Jubbaland ayaa ka duulay Muqdisho, iyaga oo si nabad ah ku gaaray Kismaayo, wax carqalad ahna kama aysan la kulmin dhinaca Dowladda Federaalka. Halkaas, waxay kula afureen Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Dhanka kale, diyaaraddii sidday wafdiga xildhibaannada Puntland ayaa hawada laga soo celiyay xilli ay ku sii jeeday Garoowe, kaddib amar ka soo baxay hay’adda duulista rayidka.

Xildhibaannadaasi wuxuu gabbalka ugu dhacay garoonka Aadan Cadde International Airport, halkaas oo ay ku afureen kuna tukadeen salaadda.

Dhacdadan waxay mar kale iftiimisay kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Puntland, xilli ay horeyba u jireen tabashooyin la xiriira wada-tashiyada federaalka, isla markaana Puntland muddo ka maqneyd madalaha wada-hadalka heer qaran.

Su’aasha taagan ayaa ah: maxaa lagu fasiri karaa oggolaanshaha safarka xildhibaannada Jubbaland iyo dib u celinta kuwa Puntland? Ma arrin farsamo oo ku kooban nidaamka duulista ayay ahayd, mise waxay xambaarsan tahay fariin siyaasadeed oo qoto dheer? Dowladda maxay uga gol lahayd tallaabadan?

8 Comments

  1. Pingback: actigall medication

  2. Pingback: furosemide 20 mg tablet

  3. Pingback: metoclopramide 5mg

  4. Pingback: levitra generico

  5. Pingback: linezolid antibiotic

  6. Pingback: dutasteride prescription usa

  7. Pingback: see this resource

  8. Pingback: tadalafil telehealth and online access

Leave A Reply

Exit mobile version