November 13, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay Maraykanka u soo bandhigtay cusboonaysiinta heshiis u oggolaanaya in Mareykanku u adeegsado dekedaha iyo garoomada dalka ujeeddooyin milatari.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar Balcad, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Maraykanka ay leeyihiin iskaashi soo jireen ah, oo ay ku jirto heshiis la saxiixay 1980-kii oo quseeya adeegsiga dekedaha iyo garoomada milatari. Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay dhowaan soo jeedisay in heshiiskaas dib loo cusboonaysiiyo, maadaama uu yahay “marinka sharci iyo kan ku habboon ee iskaashi amni lagu gaari karo.”

Hadalka dowladda ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Somaliland uu shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu Maraykanka siiyo fursado la xiriira saldhigyo milatari iyo khayraad dabiici ah, si uu u xoojiyo xiriirradiisa diblomaasiyadeed. Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysatay in Somaliland ay qayb ka tahay dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Soomaaliya mowqifkeedu waa mid cad: heshiis kasta oo khuseeya dhulka, dekedaha, hawada sare ama khayraadka dabiiciga ah waa in lagu maraa hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka,” ayuu yiri Cali Balcad. Wuxuu intaas ku daray in maamul goboleed kasta uusan sharci u lahayn inuu bixiyo xuquuq gaar ah ama heshiisyo khuseeya khayraadka dalka.

Soomaaliya waa dal istiraatiiji ah oo ay danaynayaan quwado caalami ah sida Turki, Masar iyo Sacuudiga, kuwaas oo xoojinaya iskaashigooda amni iyo milatari. Juqraafi ahaan, Soomaaliya waxay ku taallaa marin muhiim ah oo laga galo Badda Cas, una dhow Yemen — halkaas oo kooxaha Xuutiyiintu khatar ku hayaan marinnada ganacsiga caalamiga ah.

Tallaabada Dowladda Federaalka ee ku aaddan cusboonaysiinta heshiiska Maraykanka ayaa muujinaysa dadaal ay ku adkaynayso doorkeeda qaranimo, isla markaana ku xaqiijinayso in dhammaan iskaashiyada amni lagu maro hannaan sharci ah oo mideysan.

Leave A Reply

Exit mobile version