Inkasta oo garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cartan loo diiday gelitaanka Mareykanka, taas oo ka hor istaagtay in uu ka qeyb galo Koobka Adduunka, FIFA ayaa xaqiijisay inuu heli doono dhammaan lacagihii iyo gunnooyinkii uu ku muteysan lahaa tartanka.
Go’aankan ayaa loo arkaa tallaabo lagu muujinayo taageerada iyo qadarin loo hayo xirfadda iyo dadaalka garsooraha Soomaaliyeed ee taariikhda sameeyay.
Cumar Cartan, ayaa noqday magac si weyn looga hadal hayo dunida kubadda cagta, kadib markii loo diiday gelitaanka Mareykanka si uu uga qeyb galo Koobka Adduunka ee FIFA 2026.
Garsoorihii ugu Wanaagsanaa Afrika
Cumar Cartan waxaa sanadkii 2025 loo doortay garsooraha ugu wanaagsan Afrika ee ragga, isagoo kamid noqday garsoorayaashii loo xushay inay dhexdhexaadiyaan ciyaaraha ugu waaweyn ee Koobka Adduunka. Laakiin riyadaas ayaa hakad gashay markii laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Miami, inkastoo uu watay fiiso iyo dukumentiyo dhameystiran.
Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa sheegay in xiriirka kubadda cagta aanu awood u lahayn inuu farageliyo siyaasadaha socdaalka iyo go’aannada amni ee dalalka martigelinaya tartamada.
UEFA oo albaab cusub furtay
Maalmo yar kaddib hadalkii Infantiino, waxaa yimid war kale oo dhiirrigelin leh. Ururka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay, in Cumar Cartan uu garsoore ka noqon doono ciyaarta UEFA Super Cup ee dhex mari doonta PSG iyo Aston Villa magaalada Salzburg ee dalka Austria bisha Agoosto.
Go’aankan, ayaa loo arkay aqoonsi cusub oo muujinaya kalsoonida ay hay’adaha kubadda cagtu ku qabaan tayada iyo xirfadda garsooraha Soomaaliyeed.
Sheekada Cumar Cartan, ma aha keliya sheeko kubadda cagta ku saabsan. Waa sheeko ka turjumeysa sida dadaalka, kartida iyo adkeysigu uga gudbi karaan caqabadaha. Waxaa kale oo ay fariin u tahay kumannaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku haminaya inay gaaraan heerar sare oo caalami ah.
Haddii Cumar Cartan uu gaaray heerkan, halkee dhallinyarada Soomaaliyeed gaari karaan haddii la siiyo fursad iyo taageero ku filan?
