August 12, 2026

Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa saaka si rasmi ah looga daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sannad dugsiyeedka 2025–2026.

Gobolka Banaadir, waxaa imtixaanka u fariistay 46,225 arday, kuwaas oo ay gabdhuhu yihiin 21,508, halka wiilashuna ay gaarayaan 24,717 arday.

Mas’uuliyiinta waxbarashada ayaa sheegay in imtixaanka sanadkan ay ka qeybgalayaan arday kala duwan, oo ay ku jiraan ardayda baahiyaha gaarka ah qaba iyo arday ajaanib ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in 38 arday oo baahiyaha gaarka ah leh ay sanadkan imtixaanka u fariisteen, sidoo kalena ay qeyb ka yihiin arday Suudaaniyiin ah oo wax ka barta dugsiyada gobolka.

Ardayda ayaa imtixaanka ku galaya 124 xarumood oo ku kala yaalla degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaas oo isugu jira iskuullo iyo xarumo jaamacadeed.

Magaalada Baydhabo waxaa sidoo kale laga daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee deegaannada Koonfur Galbeed. Agaasinka Waxbarashada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in sanadkan ay imtixaanka u fariisteen 19,788 arday.

Tirada ardayda Gobolka Banaadir ee sanadkan imtixaanka u fariisatay ayaa muujinaysa koror marka loo eego sanadkii hore. Sannadkii hore, imtixaanka fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir waxaa u fariistay 41,568 arday, halka sanadkan ay tiradu gaartay 46,225 arday. Kororkan ayaa ka tarjumaya sare u kaca tirada ardayda gaareysa heerka shahaadiga ah iyo ballaarinta fursadaha waxbarasho ee gobolka.

Leave A Reply

Exit mobile version