Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa ka horyimid in hannaanka tartanka furan ee shaqooyinka dowladda lagu dabaqo shaqaalaha xafiiskiisa, isagoo sheegay inay arrintani taabanayso madax-bannaanidiisa dastuuriga ah.
Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ayaa wada hirgelinta amarka Ra’iisul Wasaaraha ee ah in shaqooyinka dowladda lagu buuxiyo hannaan tartan furan oo ku saleysan karti iyo mudnaan.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa sheegay in shaqaalihiisa lagu maamulo shuruucda u gaarka ah hay’adda, maadaama uu yahay xafiis dastuuri ah oo madax-bannaan.
Xafiisku wuxuu tilmaamay Qodobka 177aad ee Dastuurka iyo sharciyada u gaarka ah Hantidhowrka Guud, kuwaas oo qeexaya awoodihiisa iyo madax-bannaanidiisa maamul iyo maaliyadeed.
Hantidhowrka Guud ayaa Guddiga Shaqaalaha Rayidka ugu baaqay inuu dhowro madax-bannaanida hay’adda, isla markaana uusan qaadin tallaabo xaddidaysa awoodaha uu dastuurka iyo sharcigu siiyay.
Dhanka kale, Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa dalbaday in si degdeg ah loo hakiyo dhaqangelinta amarka Ra’iisul Wasaaraha, ilaa laga ansixinayo xeerka cusub ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka Federaalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku adkeysanaya hirgelinta nidaamka shaqaalaysiinta ee ku saleysan karti iyo mudnaan, iyadoo wasaarado ay shaacinayaan fursado shaqo oo ay ku jiraan jagooyin agaasimeyaal ah, halka Hantidhowrka Guud iyo Guddiga Baarlamaanka ay dalbanayaan in la dhowro hannaanka sharciyeed iyo madax-bannaanida hay’adaha.
Arrintan ayaa dhalisay dood ku saabsan sida dib-u-habeynta shaqaalaysiinta dowladda loogu waafajin karo shuruucda iyo madax-bannaanida hay’adaha dastuuriga ah.
