November 14, 2026

Tobannaan sarkaal ayaa aroortii hore ee 12-ka bisha oktoobar galay guriga xildhibaanadda Mareykanka Ilhan Cumar, iyagoo baaray muddo ku dhow shan saacadood, 

Saraakiisha ayaa la baxay 17 shay oo ay ku jiraan taleefanno iyo agab qoyskeeda u gaar ahaa. 

Hadda, Ihaan ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay hawlgalka, iyadoo ku eedeysay maamulka Madaxweyne Donald Trump inuu doonayo inuu cabsi geliyo iyada iyo codbixiyeyaasha ka hor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka.

Ilhaan oo wareysi siisay telefishinka MS NOW ayaa sheegtay in wakiillada waaxda baaritaannada amniga gudaha ee Mareykanka, HSI, ay gurigeeda yimaadeen 12-kii Oktoobar, xilli ay hurudday, saacado yar kadib markii ay safar ka soo laabatay.

Waxay sheegtay in garaaca xooggan ee albaabbada hore iyo kuwa dambe uu qoyskeeda ku abuuray cabsi iyo jahawareer. 

Sida ay sheegtay, seygeeda ayaa albaabka furay, iyadoo iyaduna wakiillada ka codsatay waaranka maxkamadda ee u oggolaanayay baaritaanka.

Ilhan waxay sheegtay in baaritaanku socday afar ilaa shan saacadood, lagana qaaday 17 shay, oo ay ku jiraan taleefanno, kamarad qoysku lahaa, buug af-Soomaali ah oo seygeedu wax ku baranayay iyo buugaag qoraallo ah.

Waxay sidoo kale sheegtay in qareennadeedu ay su’aalo ka keeneen in wakiilladu ay raaceen dhammaan xaddidaadaha ku qornaa waaranka baaritaanka. 

Waaxda Caddaaladda ayaa dhankeeda diidday eedeymo sheegaya in saraakiishu jebiyeen shuruudaha waaranka.

Ilhaan waxay aaminsan tahay in hawlgalku qayb ka yahay olole siyaasadeed oo lagu cabsi-gelinayo iyada iyo dadka kale ee ka qaybgalaya doorashooyinka.

Xildhibaanaddu waxay ku eedeysay kooxaha taageera Trump inay doonayaan inay cabsi ku abuuraan bulshooyinka soo-galootiga ah, isla markaana ay dadka qaar ka niyad-jabiyaan codbixinta.

Baaritaanka dowladda Mareykanka ayaa la xiriira tuhunno ku saabsan dukumentiyada socdaalka ee Ilhaan iyo qoyskeeda, kuwaas oo la diyaariyay markii ay Mareykanka yimaadeen iyada oo carruur ah. Ilhan ayaa eedeymahaas beenisay, mana jiro xukun maxkamadeed oo lagu helay dambiyada lagu tuhunsan yahay.

Leave A Reply

Exit mobile version