August 12, 2026

Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay kiiska garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo loo diiday gelitaanka Mareykanka inkastoo uu kamid ahaa garsoorayaasha loo xushay inay dhexdhexaadiyaan ciyaaraha Koobka Adduunka ee sanadkan

Infantino oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in la is dejiyo, isagoo xusay in qaylada iyo eedeymaha badani aysan gacan ka geysan helitaanka xal.

Wuxuu sidoo kale sheegay in FIFA aysan ahayn hay’ad awood u leh inay amar siiso dowladaha ama hay’adaha amniga, balse ay tahay urur u shaqeeya horumarinta iyo maamulka ciyaaraha kubadda cagta.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya kadib markii mas’uuliyiinta Mareykanka ay sheegeen in diidmada gelitaanka Cumar Cartan ay la xiriirtay baaritaanno amni oo dheeraad ah iyo hubin xogeed. Wararka qaar ayaa xusay in walaacyo dhanka amniga ah la sheegay inay jireen, hase yeeshee ilaa hadda lama soo bandhigin caddeymo rasmi ah oo arrintaas xaqiijinaya.

Cumar Cartan ayaa sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika ee ragga, wuxuuna kamid ahaa garsoorayaasha loo xushay inay ka qeyb qaataan tartanka Koobka Adduunka ee sanadkan ka dhacaya Mareykanka.

Waxaa la filayay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka garsoora tartan heerka Koobka Adduunka ah, balse waxaa laga celiyay Garoonka Caalamiga ah ee Miami, inkastoo uu watay fiisaha Mareykanka iyo baasaboor diblomaasiyadeed.

Soomaaliya ayaa sidoo kale kamid ah dalalka ay saameeyeen xeerarka adag ee socdaalka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump, iyadoo muwaadiniinta qaar kamid ah dalalkaas lagu sameeyo baaritaanno dheeraad ah marka ay gelayaan Mareykanka.

Leave A Reply

Exit mobile version