November 14, 2026

Itoobiya ayaa ka digtay in amniga Badda Cas aan lagu koobi karin dalalka kooban oo xeebaha leh, iyadoo ku baaqday in dalalka gobolka iyo quwadaha caalamku ay si wadajir ah uga qeyb qaataan ilaalinta marin-biyoodkan istaraatiijiga ah.

Digniintan ayaa timid xilli ay sii kordhayaan tartanka quwadaha gobolka, dhaqdhaqaaqyada milatari iyo weerarrada lagu hayo maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas.

Madaxa Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya, Redwan Hussein, ayaa hadalkan ka jeediyay  magaalada Bahir Dar oo ka socday Madasha Tana ee Amniga Afrika.

Redwan ayaa sheegay in goobta istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika, khayraadkiisa dabiiciga ah iyo marinnada ganacsigu ay gobolka ka dhigeen meel ay ku loollamayaan quwadaha gobolka iyo kuwa caalamka.

Wuxuu sidoo kale caqabadaha amniga ku daray khilaafaadka taariikhiga ah, murannada khayraadka, colaadaha gudaha iyo khatarta kooxaha xagjirka ah.

Baaqan Itoobiya ayaa leh muhiimad gaar ah, maadaama Addis Ababa ay muddo raadineysay marin ay si toos ah ugu gaarto badda. Itoobiya waxay bad la’aan noqotay markii Eritrea ay xornimada qaadatay 1993-kii, waxayna ganacsigeeda caalamiga ah si weyn ugu tiirsan tahay dekedaha Jabuuti.

Itoobiya waxay ku doodaysaa in ku tiirsanaanta marinnada ganacsiga badda ay siinayso dano dhaqaale iyo amni oo toos ah oo ku saabsan ilaalinta marin-biyoodka.

Hase yeeshee, dadaallada Itoobiya ee helitaanka marin-badeed ayaa xiisado ka abuuray xiriirka ay la leedahay dalalka deriska ah, oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Eritrea.

Amniga Badda Cas ma saameeynayaan keliya dalalka ku teedsan xeebteeda. Marin-biyoodka Baabul-Mandab, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayaa laf-dhabar u ah isu-socodka badeecadaha u kala goosha Aasiya, Yurub iyo Bariga Dhexe.

Weerarrada lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee u dhow xeebaha Yemen ayaa carqaladeeyay isu-socodka badda, waxayna shirkado maraakiibta qaarkood ku qasbeen inay maraan waddada dheer ee koonfurta Afrika.

Hadallada Itoobiya ayaa mar kale soo bandhigaya su’aal xasaasi ah oo ku saabsan cidda go’aamisa amniga Badda Cas iyo doorka ay dalalka aan xeebaha lahayn ku yeelanayaan.

Madasha Tana ee sanadkan, oo ka dhacday Bahir Dar intii u dhexeysay 23-kii ilaa 25-kii Oktoobar, ayaa diiradda saartay nabadda Afrika, madaxbannaanida dhaqaale iyo isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee gobolka.

Leave A Reply

Exit mobile version