Itoobiya ayaa soo gebagebeysay shir socday afar maalmood oo looga hadlayay amniga badda ee gobolka, kaas oo ay ka qaybgaleen wakiillo ka socday Somaliland iyo Puntland, iyo sidoo kale wafdiyo ka kala socday Yemen, Cumaan iyo Jabuuti.
Dowladda federaalka Soomaaliya kuma aysane lagu casuumin shirka oo ku jirin liiska ka qaybgalayaasha ee la shaaciyay.
Shirkan oo qabsoomay 26-kii ilaa 29-kii Oktoobar, waxaa soo qabanqaabisay Ciidanka Badda Itoobiya oo kaashanaya Midowga Yurub.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray gurmadka iyo samatabbixinta badda, isku-duwidda amniga gobolka, xog-wadaagga iyo diyaar-garowga hawlgallada wadajirka ah.
Taliyaha Ciidanka Badda Itoobiya, Admiral Kinde Gezu, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xiritaanka shirka.
Ka qaybgalka Somaliland iyo Puntland, iyadoo aan liiska lagu darin wafdi ka socda Muqdisho, ayaa su’aalo ka keenaya matalaadda Soomaaliya ee dadaallada amniga badda ee gobolka iyo doorka dowladda federaalka ee isku-duwidda danaha badeed ee dalka.
Shirkan ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli ay jiraan khilaafaad muddo soo jiitamayay oo u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa, kuwaas oo la xiriira marin-badeedka, madax-bannaanida Soomaaliya iyo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen Janaayo 2024.
Itoobiya oo ah dal aan lahayn xeeb, ayaa dadaal ugu jirta inay door weyn ku yeelato arrimaha badda ee gobolka, gaar ahaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Shirka ayaa mar kale iftiiminaya muhiimadda amniga badda ee gobolka, balse ka maqnaanshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee liiska ka qaybgalayaasha ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan matalaadda dalka iyo isku-duwidda mowqifkiisa ku aaddan arrimaha badda.
