November 13, 2026

Qaramada Midoobay iyo IGAD ayaa ku biiray dadaallada Midowga Afrika ee lagu dejinayo xiisadda ka sii dareysa waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa walaac xooggan ka muujiyay dagaallada dib uga soo cusboonaaday waqooyiga Itoobiya. Waxaa sidoo kale la soo sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen garoomada diyaaradaha ee Mekelle, Axum iyo Shire, iyadoo dagaalladuna ay ku fidayaan deegaanno kale.

Guterres ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, la ilaaliyo dadka rayidka ah, lana fududeeyo gargaarka bani’aadannimo. Wuxuu sidoo kale taageeray dadaalka Midowga Afrika ee uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, iyo in wada-hadallada dib loogu bilaabo Heshiiskii Pretoria ee 2022.

IGAD ayaa iyaduna 23-kii Sebtembar ugu baaqday dhinacyada inay joojiyaan dagaallada, muujiyaan is-xakameyn, isla markaana si degdeg ah ugu laabtaan wada-hadal toos ah.

Xaaladda amni ayaa weli sii xumaanaysa, iyadoo Ethiopian Airlines ay hakisay duulimaadyadii Mekelle, Axum iyo Shire sababo la xiriira amni-darro. Midowga Afrika ayaa sheegay in Heshiiska Pretoria uu weli yahay saldhigga geeddi-socodka nabadda, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda.

Leave A Reply

Exit mobile version