August 12, 2026

Waxaa tan iyo bilowga toddobaadkan isa soo taraya joojinta isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliya.

Sariflayaasha iyo ganacsatada ayaa si weyn uga biyo diiday qaadashadeeda, halka xitaa gaadiidka dadweynaha ay ka fogaadeen isticmaalkeeda.

Qaar kamid ah suuqyada waaweyn ee caasimadda Muqdisho—sida Bakaaraha, Xamar Weyne iyo Heliwaa—ayaa durba billaabay diidmada Shillinka Soomaaliya.

Muqdisho, oo ahayd meeshii ugu dambeysay ee si ballaaran loogu adeegsan jiray Shillinka Soomaaliya, ayaa hadda iyaduna wajahaysa diidmo sii kordheysa. Tani waxay ka dhigan tahay in lacagta qaranka ay ka baxeyso wareegga dhaqaalaha, iyadoo lagu beddelayo lacago kale—gaar ahaan kuwa dijitaalka ah sida EVC, eDahab iyo doollarka Mareykanka.

Shillinka Soomaaliya waxaa muddo dheer saameynayay sicir-barar joogto ah. Arrintan ayaa loo arkaa sababta ugu weyn ee keentay in bulshada iyo ganacsatadu lumiyaan kalsoonida ay ku qabeen isticmaalkeeda.

Joojinta qaadashada Shillinka waxay si toos ah u saameysay sariflayaasha iyo shacabka danyarta ah ee maalinlaha u isticmaala gaadiidka dadweynaha, kuwaas oo hadda wajahaya caqabado ku saabsan helitaanka iyo isticmaalka lacag ay ku macaamilaan.

Shillinka Soomaaliya wuxuu soo maray noocyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: Taano, Kumi, Nus Shillin, Hal Shillin, Shan Shillin, Toban Shillin, Labaatan Shillin, Konton, Boqol, Shan Boqol iyo Kun Shillin—kaas oo maanta u muuqda mid ka sii baxaya isticmaalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin jawaab cad oo ku saabsan xallinta arrintan, iyadoo saameyntu ay sii kordheyso.

Summaddii lacageed ee dalka ayaa sii lumeysa—ilaa goorma ayay qaadaneysaa in dalka loo sameeyo lacag cusub oo rasmi ah, laguna soo celiyo kalsoonida Shillinka Soomaaliya?

Leave A Reply

Exit mobile version