August 12, 2026

Magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle, ayaa 24kii saac ee u dambeeyay waxaa ka dhacay falal la xiriira qaraxyo isxigay, dhaawac Sargaal iyo dil loo geystay askari ka tirsan ciidanka boliska Hirshabeelle.

Qaraxyadan ayaa ahaa bambooyin gacanta laga tuuray – kuwaas oo lagu weeraray xarumo dowladeed, gaar ahaan goob ay deggenyihiin ciidan ka tirsan guutada seddexaad ee Xoogga Dalka oo ku taallay agagaarka shaldhigga Jowhar.

Sidoo kale, waxaa kaas xigay mid kale oo lagu dhawaacay sargaal lagu magacaabo Haaroole, oo kamid ah daraawiishta Hirashabeelle, kaddib markii miino loo dhigay meel u dhow gurugiisa oo ku yaallay Isnaay, xaafadda Horseed isnaay.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah, waxaa isna la dilay askari ka tirsan ciidanka Booliska Hirshabelle; iyada oo dadkii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, sidoo kalena ay ka qaateen qorigii uu watay askarigaas.

Askariga ayaa la sheegay in uu waardiye ka ahaa gaadiidka Shirkada Adeegsan ee wadda dhismaha wadooyinka Magaalada Jowhar.

Falalka noocaan ayaa in muddo ahba ka dhicin magaalada Jowhar.

Leave A Reply

Exit mobile version