August 12, 2026

Fadhigii Baarlamaanka 11-aad ee maanta, oo looga hadlayay wax ka beddelka cutubyi kmid ah Dastuurka, aya k hor timid diidmo iyo khilaaf xooggan uu ka dhex qarxay xildhibaanada mucaaradka iyo guddoonka.

Xildhibaanada ayaa si cad u muujiyeen in aan la aqbali doonin tallaabooyin aan ku dhisnayn sharci iyo heshiis siyaasadeed, taasoo keentay buuq, sawaxan, iyo jeex-jeexid lifaaqyo muhiim ah oo la qorsheeyay in la qeybiyo.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaan ka qeybgalin fadhiga maanta; iyad oo Fadhiga la filayay in lagu qeybiyo wax ka beddelka 5 cutub oo kamid ah Dastuurka, hase yeeshee guddoonka ayaa ku guuldareystay maareynta fadhiga, iyadoo buuq iyo sawaxan hareeyay waxan halkaas ka dhasha in xitaa Xildhibaanada qaarkood ay ku kacaan gacan ka hadal toos ah.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa jeex-jeexay nuqulladii la qorsheynayay wax k badalkooda, taasoo keentay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, uu si rasmi ah u xiro fadhiga.

Xildhibaan Abdirahman Abdishakuur ayaa bartiisa Facebook ku soo bandhigay muqaal muujinaya buuqa ka dhacay fadhiga, isagoo ku tilmaamay dhamaadkii damacii muddo kororsiga.

Leave A Reply

Exit mobile version