August 12, 2026

Wafdi sare oo Mareykan ah ayaa booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Mas’uulka keliya la shaaciyay inuu wafdiga hoggaaminayay waa Richard H. Riley, dibloomasi iyo safiir hore. Inta la ogyahay, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga amniga, mashaariicda horumarineed ee Mareykanku taageero, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dhismaha hay’adaha dowladeed.

Laakiin warar ay baahiyeen ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulankaasi uu xambaarsanaa farriin ka weyn qodobada rasmiga ah.

Sida ay sheegayaan ilo aan si madax-bannaan loo xaqiijin, wafdiga ayaa Axmed Madoobe u gudbiyay farriin muujinaysa in Mareykanku doonayo in dhinacyada Soomaalida ay muujiyaan diyaar-garow ku aaddan xalal siyaasadeed.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in wafdiga uu kulankiisa ku koobay Kismaayo, isla markaana uusan wax kulan ah la yeelan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika, General Dagvin Anderson, ayaa Muqdisho kula kulmaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankaas ayaa imanaya iyadoo ay Soomaaliya wajahaysa marxalad xasaasi ah oo ay is biirsanayaan caqabadaha amniga, mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo ismariwaaga siyaasadeed ee dalka.

Inkastoo aan weli la ogeyn natiijada kulamadan, haddana dhaq-dhaqaaqa diblomaasiyadeed ee Mareykanka ayaa muujinaya in Washington ay si dhow ula socoto jihada siyaasadda iyo amniga Soomaaliya xilli go’aanno waaweyn la filan karo inay soo socdaan.

Leave A Reply

Exit mobile version