La-taliyaha diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Dr. Anwar Gargash, ayaa dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib eedeymihii uu u jeediyay Imaaraadka, isaga oo su’aal geliyay in madaxweynaha Soomaaliya uu danihiisa gaarka ah ka hormarinayo danaha qaranka.
Qoraal uu soo saaray, Gargash ayaa sheegay in Imaaraadku garab taagnaa Soomaaliya iyo shacabkeeda xilliyadii ugu adkaa ee ay soo mareen.
Wuxuu sidoo kale muujiyay inuu ka xun yahay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya lagu dhex darayo loollanka quwadaha gobolka, isaga oo ku dooday in xiisadahaasi aysan dan u ahayn shacabka Soomaaliyeed iyo himiladooda ku aaddan amni iyo xasillooni.
Hadalka Gargash ayaa daba socda khudbad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Talaadadii jeediyay taas oo uu Imaaraadka ku eedeeyay inuu Soomaaliya ka wado dagaal dad kale loo adeegsanayo, isla markaana uu wiiqayo madax-bannaanida dalka.
Madaxweynuhu wuxuu ku eedeeyay Abu Dhabi inay maamullada gobollada siiso taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale, heshiisyo dekadeedna la gasho iyada oo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay inay dhistay saldhigyo milatari, hubna siisay maleeshiyaad ka baxsan taliska ciidamada qaranka.
Xasan Sheekh ayaa ka digay in dowladdiisu difaaci doonto madax-bannaanida Soomaaliya iyadoo adeegsanaysa dhammaan tallaabooyinka uu sharciga caalamiga ahi oggol yahay.
Is-weydaarsigan eedeymaha ah ayaa sii xoojinaya xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Abu Dhabi, kaddib markii Soomaaliya bishii Janaayo baabi’isay heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka, oo ay ku jireen iskaashiga amniga iyo heshiisyo la xiriiray saddex dekedood.
