Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inuu Soomaaliya ka wado dagaal dad iyo dal kale loo adeegsanayo, isaga oo ka digay in dowladdiisu difaaci doonto madax-bannaanida dalka, iyadoo adeegsanaysa dhammaan tallaabooyinka uu sharciga caalamiga ahi oggol yahay.
Khudbad uu Talaadadii fiidkii ka jeediyay telefishinka, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Imaaraadka ku eedeeyay inuu si ula kac ah u faragelinayo siyaasadda gudaha ee Soomaaliya, isaga oo heshiisyo dekadeed toos ula galaya maamullada gobollada, isla markaana siinaya taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ay kula loollamaan dowladda federaalka ee Muqdisho.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale Imaaraadka ku eedeeyay inuu hub siiyay dhinacyo gudaha ah, dhisay saldhigyo milatari, isla markaana sameystay maleeshiyaad aan hoos imaan taliska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isaga oo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay wiiqayaan amniga qaranka, isla markaana Soomaaliya u nugleynayaan faragelin iyo gacan-ku-hayn shisheeye.
Wuxuu sheegay in dowladdiisu hore farriimo diblomaasiyadeed ugu dirtay Imaaraadka, isla markaana ay isku dayday in wada-hadal lagu xalliyo khilaafka. Si kastaba, wuxuu sheegay inuu weli diyaar u yahay wada-hadal haddii Imaaraadku ixtiraamo madax-bannaanida siyaasadeed iyo midda dhuleed ee Soomaaliya.
Bishii Janaayo ee sanadkan, dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay baabi’isay heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka, kuwaas oo ay ku jireen iskaashiga amniga iyo heshiisyo la xiriiray saddex dekedood.
Ilaa hadda, Imaaraadka Carabta kama uusan jawaabin eedeymaha cusub ee Madaxweynaha Soomaaliya.
