August 12, 2026

Muqdisho: Saacad kaddib, waxaa la filaa in ay soo gaaraan wafdiyo hordhaca madaxda maamul gobleedyada Jubbaland iyo Jubbaland halka Madaxdweynayaasha Deni iyo Axmed Madoobe – ay soo gaari doonaan gelinka dambe ee maanta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay loogu eedeyay inay hawada ka celisay labo diyaaradood oo kala siday wufuudda iyo cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee ilaalada Madaxtooyooyinka Jubbaland iyo Puntlanday – xilli la qorsheynayay inay furmato gogoshii wadahal ee looga ee arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka Somalia.

Shirkaan oo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo loo ballansanaa in uu qabsoomo 1-febraayo ayaa baaqday ma se jirin muddeyn kale oo rasmi ah oo la wada ogsoonyahay; iyada oo imaatinka maanta wufuudda iyo Madaxda Jubbaland iyo Puntlnad looga qiyaas qaadan karo suurtagalnimada qabsoomidda shirkan maalmaha horeenna ah.

Leave A Reply

Exit mobile version