Magaalada Muqdisho waxaa toddobaadyadii u dambeeyay ka soo ifbaxay olole ballaaran oo bilic-soo-celin ah, kuwaas oo ay hormuud ka yihiin dhallinyaro si isxilqaan ah u abaabulan, kana shaqeynaya soo bandhigista goobaha caasimadda ee u baahan nadiifin iyo daryeel.
Dhallinyarada ayaa booqanayay degmooyinka Gobolka Banaadir, iyaga oo soo bandhigayay heerarka nadaafadeed ee degmooyinka — arrintaas oo keentay in qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka ay si toos ah uga qeyb qaataan hawlaha nadaafadda iyo bilicda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo agaasime-waaxeedyada gobolka ayaa iyaguna ku biiray dadaallada lagu soo celinayo bilicda caasimadda, iyaga oo taageeray hawlaha nadaafadeed.
Fartuun Sakhaawe ayaa tiri, “Waxaan Farriin u diraynaa bulshada; guryahooda iyo goobahooda ganacsi ee aan nadiifinnay, waxaana ku leenahay in ay iyaguna soo baxaan, nadiifiyaan hortooda, kana qeyb qaataan horumarka magaalada iyo bilicda caasimadda”
Sidoo kale, waxaa si joogto ah uga socda Xeebta Liido olole nadaafadeed toddobaadle ah oo ay hoggaaminayaan dhallinyaro isxilqama.
Toddobaadkii 23-aad ee ololahaas waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Amb. Alper Aktaş.
Guud ahaan, waxaa muuqda baraarug xooggan oo ku aaddan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda caasimadda, arrin muhiim u ah muuqaalka magaalada, sumcadda iyo rajada laga qabo inay noqoto caasimad ka tarjunta heerka horumar iyo daryeel ay mudan tahay.
