August 12, 2026

Shirkad la-talin dhinaca diblomaasiyadda ah oo xarunteedu tahay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, Stryk Global Diplomacy, ayaa soo saartay bayaan ay ku dalbanayso in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu iska casilo xilka, iyadoo sidoo kale ugu baaqday dowladda Mareykanka inay baarto eedeymo la xiriira musuqmaasuq, ku takri-fal dhaqaale iyo sida loo adeegsaday kaalmooyinka caalamiga ah ee Soomaaliya loogu talagalay.

Bayaanka, oo shirkaddu baahisay Arbacadii, ayaa Guddoomiyaha iyo Aasaasaha shirkadda, Robert Stryk, ku sheegay inuu “ku biiray saaxiibbadooda Soomaaliyeed iyo macmiilkooda” si ay ugu baaqaan Madaxweynaha Soomaaliya inuu xilka baneeyo.

Stryk Global Diplomacy ayaa sheegtay in wada-shaqeynta ay la leedahay dhinacyada ay matasho ay diiradda saari doonto eedeymo la xiriira in gargaar ay maalgelinayeen canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka, oo Soomaaliya loo soo mariyey hay’adaha WFP iyo USAID, ay si khaldan uga faa’iideysteen shaqsiyaad iyo qoysas lagu sheegay inay xiriir dhow la leeyihiin madaxda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, shirkaddu waxay sheegtay in baaritaanka ay dalbanayso uu taaban doono xiriirro la sheegay inay ka dhexeeyaan dad ku dhow Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, kuwaas oo hore loogu eedeeyay inay ku lug lahaayeen musuqmaasuq ka badan 250 milyan oo doollar oo la xiriiray barnaamijyada quudinta carruurta iyo qoysaska danta yar xilligii cudurka Covid-19.

“Nidaamka dimuqraadiyadda iyo dhaqaalaha xorta ah ma horumari karaan haddii hay’adaha dowladda loo adeegsado danaha madaxda siyaasadda, iyadoo la leexinayo kheyraadkii loogu talagalay adeegga shacabka. Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin hoggaan hufan, dowlad isla xisaabtan leh iyo hoggaamiyeyaal danta qaranka ka hormariya tan gaarka ah,” ayuu yiri Robert Stryk.

Waxa uu intaas ku daray in eedeymaha ku xeeran Madaxweyne Xasan Sheekh ay yihiin kuwo culus oo u baahan in si dhab ah loo baaro, isagoo sheegay in madaxweynuhu uu xilka baneeyo si loo ilaaliyo danaha Soomaaliya, geeddi-socodkeeda dimuqraadiyadeed iyo xiriirka ay la leedahay saaxiibbadeeda caalamiga ah.

Bayaankan ayaa soo baxay xilli Soomaaliya ay ka taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo muddo-xileedka hay’adaha dowladda. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxtooyada ayaan weli si rasmi ah uga hadlin baaqa iyo eedeymaha ay soo bandhigtay shirkadda Stryk Global Diplomacy.

Leave A Reply

Exit mobile version