August 12, 2026

Markabka qodista shidaalka ee Cagri Bey ee Türkiye ayaa ka soo ambabaxay dekedda Mersin Port isagoo ku soo jeeda xeebaha Soomaaliya. Sagootintiisa ayaa lagu qabtay xaflad ay ka qeybgaleen wasiirrada Soomaaliya iyo Türkiye, iyo safiirka Soomaaliya, iyadoo talaabadan ay qeyb ka tahay heshiisyo iskaashi dhaqaale iyo difaac oo labada dal u dhexeeya.

Markabkan ayaa bilaabaya hawlgallo sahamin shidaal, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta, iyadoo qodista la filayo inay si rasmi ah u billaabato dhawaan.

Maraakiib ay la socdaan ciidamada badda Turkiga ee yimid Muqdisho Todobaadkan, waxaana ka mid ah: TCG Gökova, TCG Bafra, iyo TCG Sancaktar, kuwaas oo loo xil saaray sugidda amniga hawlgallada qodista shidaalka.

Wuxuuna daba socdaa sahankii 3D seismic ee soo dhammaaday sanadkii hore, kaas oo ay fulisay markabka cilmi-baarista ee Oruc Reis.

Tallaabadaan ayaa ka mid ah heshiiskii difaaca iyo dhaqaalaha ee 2024, kaas oo Turkigu uga qayb qaadanayo ilaalinta biyaha Soomaaliya iyo horumarinta khayraadka badda.

Leave A Reply

Exit mobile version