Waxaa socda kulamo isdaba-joog ah oo ay si wadajir ah u yeelanayaan xubnaha Madasha Mustaqbalka iyo madaxda dalka, kuwaas oo ay kamid yihiin madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale.
Kulamadan ayaa noqday kuwa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada iyo falanqeeyayaasha siyaasadda, maadaama ay la xiriiraan jihaynta marxaladda siyaasadeed ee dalka iyo gogosha la filay inay dhawaan u furmato dowladda iyo mucaaradka.
Saacid Shirdoon, oo ah musharraxa Haybad Qaran, ayaa kamid ah siyaasiyiinta aan si weyn uga dhex muuqan saaxadda siyaasadda xilligan—oo ay socdaan dhaq-dhaqaaqyada iyo kulamada ay wadaan mucaaradka. Ka maqnaanshihiisa goobahaas iyo aamusnaantiisa muuqata ayaa keenaysa suaalo iyo hadal-hayn siyaasadeed oo kala duwan.
Sidoo kale waxaa isweydiin mudan, in arrintan loo aaneyn karo qaab-maamul ama talo farsamo oo ku saabsan jihaynta ololihiisa siyaasadeed — taas oo sii xoojisay su’aalaha la xiriira goorta iyo sida uu mar kale, si muuqata ugu soo laaban doono saaxadda siyaasadda.
Ma istiraatiijiyad sugan oo uu ku sugayo marxalad siyaasadeed oo ku habboon, ama laga yaabo inay jirto kala duwanaansho aragtiyeed oo u dhexeeya isaga iyo kooxaha mucaaradka ee kulamada wada baa?
