November 15, 2026

Booqasho aan hore loo shaacin oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay magaalada Nairobi ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan ujeeddada dhabta ah ee safarkaasi.

Ruto: Xilka Xasan Sheekh wuu dhammaaday

Dhawaan, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in muddada xil-haynta Madaxweyne Xasan Sheekh ay dhammaatay, arrintaasna ay sii murjisay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ruto ayaa sidoo kale sheegay in Kenya iyo Jabuuti ay isku dayeen inay dhex-dhexaadiyaan khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan muranka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Qoraal ay Villa Somalia ku baahisay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Ruto ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, nabadda, xasilloonida iyo horumarinta gobolka.

Si kastaba, kulanka ayaa dhacay maalin Axad ah, oo ah maalinta fasaxa rasmiga ah ee Kenya. Sidoo kale, Madaxweyne Ruto ayaa maalmo ka hor kasoo laabtay safar uu kaga qaybgalay shirka G7 ee ka lagu qabtay Faransiiska.

Maxaa dhab ahaantii laga wada hadlay?

Iyadoo ay jiraan hadalladii hore ee Madaxweyne Ruto ee ku saabsanaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo doorka Nairobi ee dhexdhexaadinta, weli ma cadda waxa sida gaarka ah looga wada hadlay kulanka aan hore loo sii shaacin ee dhexmaray labada hoggaamiye.

Leave A Reply

Exit mobile version