Sida aan baahinay toddobaadkii hore, 29-ka Luulyo waxaa si rasmi ah u furmaya shir muhiim ah oo looga hadlayo mustaqbalka Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AUSSOM.
Shirka ayaa go’aaminaya sida howlgalka AUSSOM u sii shaqeyn doono marka uu dhammaado heshiiska hadda jira ee maalgelinta Qaramada Midoobay bisha Diseembar 2026.
Doodaha ayaa hore uga billowday Addis Ababa intii u dhaxaysay 22 ilaa 24 Luulyo. Waxaa ka qeyb galay dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, AUSSOM iyo dalalka ciidamada iyo booliiska ku deeqay. Haddana, go’aannada ugu waaweyn waxaa la filayaa inay ka soo baxaan Kampala.
29-ka Luulyo waxaa kulmaya Taliyeyaasha Ciidamada iyo Booliiska. 30-ka Luulyo waxaa isugu imanaya Wasiirrada Gaashaandhigga, halka; 31-ka Luulyona waxaa shir gaar ah yeelanaya dalalka ciidamada ku leh AUSSOM, ka hor inta aysan talooyinkooda u gudbin Midowga Afrika.
Laakiin doodda ugu weyn waxay ku saabsan tahay UNSOS.
UNSOS waa hay’adda Qaramada Midoobay ee bixisa saadka uu ku tiirsan yahay howlgalka AUSSOM. Waxay diyaarisaa shidaalka, gaadiidka, cuntada, adeegyada caafimaadka iyo taageerooyin kale oo lama huraan u ah ciidamada.
Hase yeeshee, Mareykanka ayaa sheegay inuusan sii taageeri doonin maalgelinta Qaramada Midoobay ee UNSOS wixii ka dambeeya Diseembar 2026, kadib markii uu sannadihii la soo dhaafay ku bixiyay ku dhowaad US$2 bilyan.
Taas macnaheedu waa in la raadinayo cidda buuxin doonta farqigaas dhaqaale.
Haddaba, haddii maalgelinta UNSOS ay istaagto, sidee ayuu howlgalka AUSSOM u sii shaqeyn doonaa?
Jawaabta su’aashaas waxaa laga sugayaa inay ka soo baxdo Kampala, go’aannaduna waxay saameyn ku yeelan karaan amniga Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab bilaha iyo sannadaha soo socda.
