Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa amartay in la keeno Sacdiya Macallin Cali, oo loo yaqaan Sacdiya Bajaaj, si loo dhageysto dacwaddeeda 5-ta bishan.
Maxkamaddu waxay Sabtidii aqbashay codsiga racfaanka ee Sacdiya Macallin Cali, taasoo ka dhigan in dacwaddu gashay wejigeedii ugu dambeeyay.
Kiiskan ayaa si weyn looga hadlay gudaha Soomaaliya tan iyo bishii Abriil, iyadoo la filayo in dhageysiga racfaanka uu noqdo tallaabada ugu dambeysa ee hannaanka garsoorka, haddii aan dacwaddu u gudbin Maxkamadda Sare.
12-kii Abriil 2026 ayay hay’adaha amniga xireen Sacdiya Bajaaj. Xeer ilaalinta ayaa Sacdiya ku eedeysay dambiyo ay ka mid yihiin kicin dadweyne, halka Sacdiya iyo qareennadeedu ay si buuxda u diideen dhammaan eedeymaha loo jeediyay.
Muddo ku dhow laba bilood iyo bar kadib, dacwadda ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Intii ay socotay dhageysiga, maxkamaddu waxay dhegeysatay doodaha xeer ilaalinta iyo difaaca qareennada.
25-kii Juun 2026, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku xukuntay Sacdiya Bajaaj saddex sano oo xabsi ah. Go’aankaas ayaa durba waxaa racfaan ka qaatay qareennadeeda, iyagoo ku dooday in xukunka uu yahay mid aan waafaqsanayn sharciga.
Maxkamadda Racfaanka ayaa dib u eegaysa xukunkaas.
Waxaa la filayaa inay qiimeyso doodaha labada dhinac, islamarkaana ay go’aan ka gaarto in la adkeeyo xukunkii hore, wax laga beddelo ama gebi ahaanba la laalo.
Kiiska Sacdiya Bajaaj wuxuu noqday mid si weyn u soo jiitay dareenka bulshada Soomaaliyeed, waxaana si dhow ula socda siyaasiyiin, ururrada bulshada rayidka ah, qareenno iyo daneeyayaasha xuquuqda aadanaha.
Sidaas darteed, natiijada racfaankan waxay noqon doontaa tallaabada ugu muhiimsan ee lagu go’aaminayo halka uu ku dambeyn doono mid ka mid ah kiisaskii ugu hadal haynta badnaa Soomaaliya sanadkan.
