November 13, 2026

Maxkamadda Sare ayaa laashay natiijadii doorashadii isku-sidkayd ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug, taas oo dhacday 30-kii Luulyo 2026. Go’aankan wuxuu su’aal cusub gelinayaa sharcinimada doorashada iyo jihada geeddi-socodka qof iyo codka ah ee Soomaaliya.

Maxkamaddu waxay sheegtay in doorashada aan loo maamulin si waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka Qaranka, sidaas darteedna natiijadii ka dhalatay aysan lahayn jiritaan sharci ah. Laakiin maxay Maxkamaddu hadda amartay?

Maxkamaddu waxay faray guddiga doorashooyinka inuu dib u qabto doorashada, iyadoo la raacayo shuruucda iyo habraacyada doorashada. Waxay sidoo kale amartay in hay’adaha hadda jira ay xilalkooda sii hayaan ilaa laga dhisayo ama laga soo doorto hay’adaha beddelaya.

Go’aankan wuxuu kusoo aadayaa xilli dowladda Federaalka ay doorashada qof iyo cod waddo iyadoo madaxweynaha hore ugu sifeeyay doorashadii Galmudug mid qurux badan. Doorashadii Galmudug waxay horey u dhalisay muran siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horraantii bishan ku ammaanay doorashada, isagoo sheegay in ay ahayd mid nabad ah oo ka qurux badan doorashooyin ka dhacay dalal badan oo Afrikaan ah. “Doorashadii Galmudug ka dhacday hal qof laguma dharbaaxin, qofna dhagax laguma tuurin…” – Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka ayaa dhanka kale si adag uga horyimid doorashada, iyagoo su’aal geliyay habka loo maamulay iyo sharciyadda guddiga doorashooyinka. Haddaba, go’aanka Maxkamadda Sare wuxuu arrinta Galmudug ka dhigayaa mid ka weyn doorasho goboleed.

Waxay hadda taabanaysaa sida doorashooyinka qof iyo codka ah loo maamulayo, cidda masuulka ka ah iyo in habraacyada doorashada si buuxda loogu hoggaansamo Dastuurka iyo sharciga. Tani waxay Galmudug ku celinaysaa sanduuqa codbixinta, waxayna dowladda Federaalka ku qasbaysaa inay dib u eegto habka ay doorashooyinka qof iyo codka ah uga hirgelinayso dalka.

Leave A Reply

Exit mobile version