November 14, 2026

Golaha Mustaqbalka ayaa soo jeediyay hannaan doorasho oo cusub balse ku dhisan qaabka awood-qaybsiga ee 4.5. Waxay sidoo kale ku talinayaan in dib loo soo celiyo guddiyadii doorashooyinka heer dowlad-goboleed halka laga adeegsan lahaa guddi dhexe oo qaran.

Iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka ku saabsan hannaanka doorashooyinka, waxaa maalmihii u dambeeyay soo ifbaxayay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo la xiriira sidii heshiis looga gaari lahaa doorashooyinka dalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa u gudbiyay dalalka reer galbeedka iyo hay’adaha caalamiga ah soo jeedin ku saabsan hannaan doorasho, kaas oo ay sheegeen inuu noqon karo waddo lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Soo jeedinta ayaa loo gudbiyay safaaradaha Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku howlanaa dadaallo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo dhinacyada siyaasadda miiska wadahadalka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in beesha caalamka ay dadaal ugu jirto sidii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loogu qancin lahaa hannaan doorasho oo la wada ogolyahay

Soo jeedintan cusub ayaa loo arkaa inay bilaw u noqon karto wadahadal siyaasadeed oo hor leh, isla markaana yareyn karta khilaafaadka hareeyay geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

Waxay sidoo kale meesha ka saaraysaa doodii Dowladda Federaalka ee ahayd in mucaaradku uusan soo bandhigin hannaan doorasho oo ka duwan kan dowladda

Leave A Reply

Exit mobile version