November 14, 2026

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in muddada xilka dowladda ay dhammaato iyadoo aan weli heshiis laga gaarin hannaanka doorashooyinka.

Shariff ayaa xusay in xaaladdan ay horseedi karto firaaq iyo hubaanti la’aan halis gelin karta xasilloonida dalka.

“Waxaa nasiib darro in, iyadoo aan heshiis laga aheyn hannaanka doorashada, ay dhammaato muddada xilku, taas oo keeni karta firaaqo..” ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed


Hadalka Sheekh Shariff ayaa dabasocda xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan kulammo ay yeelanayaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan culumada, haweenka, iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa asna sheegay in muddada xilka hay’adaha dowladda ay tahay shan sano, isla markaana aanay jirin cid dib uga laabanaysa arrintaas.

“Muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh kuma eka 15 May, Dastuurka wuxuu dhigayaa 5 sano inuu xilka sii hayo, meel lagu baxo shan sano ma jirto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre

6-da Abriil, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa shaaciyay in 28-ka bishan loo asteeyay maalinta ay dhici doonto doorashada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed

Guddigu ayaa sheegay in doorashooyinka laga qaban doono degmooyin ka tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, isla markaana ay ku dhici doonaan nidaamka qof iyo cod

“Bishan Abriil 28-keeda ayaa loo asteeyay maalinta doorashooyinka isku sidkan, kuwaas oo isugu jira doorashada heer dowlad goboleed (Baarlamaanka Koonfur Galbeed) iyo heer degmo (golayaasha deegaanka).” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga.


Waqtiga ka haray maalinta loo asteeyay doorashada Koonfur Galbeed ayaa hadda ah shan maalmood oo keliya. Inkastoo jadwalka la shaaciyay, haddana waxaa weli jira su’aalo la xiriira heerka dhabta ah ee diyaar-garowga doorashooyinka ee deegaannadaas.

Maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa oggolaaday qabashada doorashooyin isku sidkan oo loogu talagalay goleyaasha deegaanka iyo goleyaasha wakiillada. Maamulladan ayaa sheegay in ay wadaan diyaar-garow ku aaddan hirgelinta nidaamka qof iyo cod.

Leave A Reply

Exit mobile version