August 12, 2026

Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa isku haya maamulka amniga, awoodaha dowladda iyo ciidamada.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in amniga Puntland uu sugan yahay, isla markaana aan loo baahnayn in ciidamo la keeno. Waxa uu Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay carqaladeyneyso amniga iyo horumarka Puntland.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa bayaan ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay ka dambeyso abaabul maleeshiyaad iyo hurinta xiisado amni oo ka socda Puntland.

Eedeyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli Puntland ay sheegtay inay guulo ka gaareyso dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad.

Dowladda Federaalka, dhankeeda, ayaa ku adkeysanaysa inay xaq dastuuri ah u leedahay inay ciidamo geyso dhammaan deegaannada dalka, isla markaana ay qorto ciidamada qaranka si loo ilaaliyo amniga iyo midnimada Soomaaliya.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland, kaas ayaa salka ku haya arrimaha wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo qaybsiga awoodaha dowladda.

Iyadoo Puntland iyo Dowladda Federaalka ay ku kala aragti duwan yihiin cidda mas’uulka ka ah amniga iyo maamulka ciidamada, waxaa laga warsugayaa suurtogalnimada in wada-hadallada la qorsheynayo ay gacan ka geysan karaan dejinta khilaafkan.

Leave A Reply

Exit mobile version