November 14, 2026

22-kii bishan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalka uu galayo doorasho “qof iyo cod” ah—iyadoo ballanqaadday in geeddi-socodku uu noqon doono mid xor, iyo xalaal ah, kuna dhisan mabaadi’da dimuqraadiyadda.

Maalintii shalay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa asna ku adkeystay in dowladda aysan marnaba ka laaban doonin hirgelinta nidaamkaas, isagoo sheegay in qarash badan ku baxay.

Saacado kadib hadalkii Madaxweynaha, waxaa dib loogu doortay maamulka Koonfur-Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)—doorasho dadban oo ka duwan jihada ay dowladda federaalka ku dhawaaqday. Doorashadan ayaa timid iyadoo dowladda federaalka ay dadaal badan ku bixisay in ay ka hortagto—waxaa si cad u muuqday abaabul ciidan iyo mid siyaasadeed.

Doorashada Koonfur-Galbeed ayaa dhalisay falcelinno kala duwan. Madax hore, maamullada dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiin ayaa soo dhaweeyay natiijada.

Dowladda Federaalka ayaa cambaareysay, iyadoo ku tilmaamtay doorashada mid “sharcidarro ah.”
Dowladda federaalka ay kaalin weyn ka qaadatay dhismaha maamul cusub oo lagu soo dhisay doorasho dadban—iyadoo ay markaas ku doodeysay in dalka loo jiheeyo nidaamka qof iyo cod.

Marka la eego xaaladdan, su’aalo muhiim ah ayaa soo baxaya: Maxay dowladda u aqbashay doorasho dadban marka ay dhisaysay maamulka Waqooyi Bari? Maxayse hadda u diidan tahay doorasho la mid ah tan ka dhacday Koonfur-Galbeed? Maxay u qaabishay oo aqbalaad u siisay Axmed Madoobe oo isna maamulka jubaland ka qabtay doorasho dadban?

Leave A Reply

Exit mobile version