November 14, 2026

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay madax iyo mas’uuliyiin ka socotay ururrada bulshada rayidka ah, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo jihada siyaasadeed

Xukuumadda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in dalka uu ka gudbayo marxaladdii kumeel-gaarnimada, lana qorsheynayo in marka uu dhammaado muddo-xileedka hay’adaha dowladda, ay shacabka si toos ah u dooranayaan hoggaanka.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin, oo warbaahinta la hadlay kulanka kaddib, ayaa xaqiijiyay in qorshaha doorashooyinka uu yahay mid ku saleysan rabitaanka shacabka, inkastoo uu xusay in ay jiraan caqabado u baahan in si wadajir ah loo xalliyo.

“Soomaaliya waxay goobjoog u tahay in ay soo dhammaaneyso kumeelgaarnimadii, waxaana looga gudbi doonaa in ay dadweynuhu doortaan.” ayuu yiri Xasan Macallin

Guddoomiyaha ururrada bulshada rayidka ah ayaa sheegay in kulanka uu ahaa xogo is-weydaarsi laguna wadaagay warbixinno.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta wadahadallada siyaasadeed, si loo gaaro xasillooni waarta.

“Kulanka oo ahaa is-wareysi, bulshada rayidka ahna waxay u ahayd fursad, maadaama maalmihii u dambeeyay ay kulammo la qaateen Madasha Mustaqbalka.” ayuu yiri Guddoomiyaha Bulshada Rayidka

Ururrada bulshada rayidka ah ayaa dhowaan kulamo la yeeshay xubno ka tirsan mucaaradka, iyagoo kala hadlay xaaladda dalka, xoojinta wadahadallada, iyo sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka jira.

Kulamadan iyo dadaallada socda ayaa imaanaya xilli dalka uu wajahayo marxalad kala guur ah, iyadoo rajada ugu weyn ay tahay in la gaaro nidaam doorasho oo hufan, loona dhan yahay.

Waxaa si weyn isha loogu hayaa shirka la qorsheeyay 10-ka bishan, kaas oo madaxweynuhu ku casuumay Golaha Mustaqbalka, si looga wada hadlo arrimaha masiiriga ah iyo doorashooyinka dalka.

Leave A Reply

Exit mobile version