November 14, 2026

Magaalada Muqdisho waxaa tan iyo xalay gelinkii dambe ka da’ayay roob xooggan oo saameeyay isu-socodka dadweynaha, Goobaha ganacsiga iyo gaadiidka. Roobkan oo saacado badan socday, ayaa sababay in ay biyuhu fariistaan waddooyinka halbowlaha u ah Magaalada; sida Waddada Soddonka – gaar ahaan Xaafadda Daalo, Fagax, jidka Buulo xuubey, waddada km4 ee Airpot-ka gesha iyo waddada 21-ka Oktoobar.

Sidoo kale, xaafadaha aan sare u kacsaneen ee ku yaalla qaar kamid degmooyinka Caasimadda ayuu gebi ahaan ba saameeyay kaddib, raababkii da’yay saacadihii la soo dhaafay. Gaadiidka dadweynaha iyo mootooyinka Bajaajta ayaa ku dhiban in ay maraan waddooyinkaas ama ay wadayaasha gaadiidka ay kordhiyaan qiimaha lagu raaco – taas oo keentay in ay dad badani ay ku qasbanaadaan in ay biyaha jiiraan.

18-kii April, Warta Siigaale—oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan ee biyaha magaalada Muqdisho ku baxaan—ayaa burburtay toddobaad keliya kaddib markii ay dowladda hoose si rasmi ah furtay. Roob socday wax ka yar saacad ayaa sababay burburka, kaddib markii uu Mashruuca dhismaha warta uu maalgeliyay Bangiga Adduunka.

Roobabka soo laalaabto ayaa ah kuwa saameeyo dadka barakacayaasha ah ee ku nool duleedka Muqdisho. Caasimaddana, sannad walba waxay la daalaa dhacdaa biyaha roobka, taas oo adkaysa isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Leave A Reply

Exit mobile version