Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga jawaabay hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ku tilmaamay dhacdooyinkii ka dhacay Muqdisho 3dii ilaa 5ta bisha “shaqaaqo” kooban oo aan ahayn dagaal.
“Wixii ka dhacay maalin dhaweed ka dhacay Muqdisho waxay eheed shaqaaqo yar” ayuu yiri Hassan Sheikh Mohamud
Shariif ayaa sheegay in waxa dhacay ay ahaayeen iska hor imaadyo culus oo socday in ka badan 24 saacadood, lana isku adeegsaday hub kala duwan.
“Wixii ka dhacay Muqdisho ma ahayn shaqaaqo sida uu sheegay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, balse waxay ahayd dagaal, kaas oo Muqdisho ilaa Cadale socday.”
Shariif Sheekh ayaa ku dooday in xaaladda amni ee dhacday aan la dhayalsan karin, maadaama rasaas iyo dagaallo laga dareemay deegaanno ka baxsan Muqdisho.
Shariff ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxda dowladda inay qorsheynayeen in la beegsado siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka aragti duwan dowladda.
Wuxuu arrintaas ku tilmaamay mas’uuliyad darro siyaasadeed oo khatar ku ah xasilloonida dalka.
Hub ka dhigista oo dood dhalisay
Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa si adag uga hadlay hawlgalka ay dowladda ugu magacdartay “hub ka dhigista”, kaas oo maalmihii dambe ka socday Muqdisho.
Wuxuu sheegay in tallaabadaasi aysan ahayn hub ka dhigis dhab ah, balse ay u muuqato mid lagu daandaansanayo dhinacyada siyaasadda isku haya.
“Hub ka dhigista dowladda waxaan u aragnaa daandaansi iyo edeb darro. Hubka sida loo dhiga waa la yaqaanaa.” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed
Dowladda ayaa sidoo kale ku eedeysay qaar kamid ah mucaaradka inay ku lug leeyihiin abaabullo iyo dhaq-dhaqaaqyo halis gelin kara amniga caasimadda.
Dagaal mise shaqaaqo?
Iyadoo labada dhinac ay weli is weydaarsanayaan eedeymo culus, wixii ka dhacay Muqdisho ma ahaayeen shaqaaqo kooban, sida ay dowladda sheegtay, mise waxay ahaayeen dagaallo siyaasadeed oo abaabulan, sida ay mucaaradku ku andacoonayaan?
