August 12, 2026

Muqdisho — Kadib kulankii koowaad ee wadahadallada u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, waxaa la sheegay in Madasha Mustaqbalka ay soo xulatay guddi gaar ah oo sii wadi doona kulamada ka dhacaya Villa Soomaaliya.

Guddigan ayaa ka kooban Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Xildhibaan Cabdullaahi Carab, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaa la filayaa in guddigan uu noqdo wejiga rasmiga ah ee matalaya Golaha Mustaqbalka inta ay socdaan wada-hadallada xiga.

Kulankii Khamiistii ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray arrimaha hannaanka doorasho ee mideyn kara heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, sida uu warbaahinta u sheegay Xildhibaan Cabdullaahi Carab, asagoo tilmaamay in wada-hadalladu ay ku qotomaan sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay ka hor 15ka bisha Mey.

Doodda ugu culus ee labada dhinac u dhexeysa ayaa weli ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka — qodobo si toos ah u saameyn kara jihada siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka nidaamka federaalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in la filayo in mar kale dib la isugu soo laabto wada-hadallada, iyadoo la doonayo in la sii ambaqaado kulamada iyo in la helo is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran.

Shirkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ee la qorsheeyay inuu Jimcaha sii socdo ayaa dib u dhacay, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta keentay dib u dhacaas.

Shirkii Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka; Maxaa laga Filan Karaa Maanta.

Leave A Reply

Exit mobile version