August 12, 2026

Maanta, si rasmi ah ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka uga furmay shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Shirkan ayaa ahaa mid ay Xukuumaddu ku baaqday 19-kii Janaayo 2026.
Muddo toddobaad ah, waxaa la isku mari la’aa halka uu shirka ka dhacayo. Mucaaradka ayaa ku adkeysanayay in lagu qabto gudaha Xalane, halka dowladda ay dooneysay in lagu qabto Madaxtooyada.

Kadib kulamo iyo wada-xaajoodyo isdaba joog ah, waxaa lagu heshiiyay in shirka lagu qabto Madaxtooyada Qaranka. Golaha Mustaqbalka ayaa u arka arrintan inay tahay tanaasul ay sameeyeen.

Shirkan waxaa lagu gorfeynayaa qodobbo xasaasi ah — oo ay ka mid yihiin midnimada dalka, amniga, hannaanka doorashooyinka, iyo wax ka beddelka dastuurka.

Doodda ugu culus ayaa ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka, kuwaas oo si toos ah u saameyn kara jihada siyaasadeed ee dalka.

Haddaba, maxaa laga filan karaa shirka maanta?
Indhaha siyaasadda ayaa ku wada jeeda natiijada ka soo baxda wada-hadalladan — kuwaas oo laga sugayo inay qeexaan jidka loo marayo xasillooni iyo heshiis siyaasadeed.

Leave A Reply

Exit mobile version