Maamulka Somaliland ayaa sheegtay inay dhowaan la saxiixaneyso Israa’iil heshiis ganacsi iyo iskaashi dhaqaale. Madaxweyne Cirro ayaa sidaas ku dhawaaqay xilli uu joogay Magaalada Dubai halkaas oo uga qeybgalayay Shirka Caalamiga ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka.
Cirro ayaa sheegay inay rajaynayaan heshiis labadhinac oo iskaashi ah oo kala dhexeeya Israaiil. Isagoo yiri “Waxay noo soo dhoofin karaan tiknoolajiyad, aad bayna ugu horumarsan yihiin dhinaca tiknoolajiyadda. Waxayna naga dhoofsan karaan badeecooyin, waana soo dhaweynayaa si aad u weyn”.
Madaxweyne Cirro ayaa mar kale kuceliyay in Somaliland diyaar u tahay inay Israa’iil la wadaagto kheyraadkeeda dabiiciga ah, isla markaana uu aqbalay casuumaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil si uu u booqdo dalkaas.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa muujiyay rajo ah in waddamo kale oo caalamka ah, oo ay ku jirta, Imaaraadka Carabta, ay aqoonsan doonaan Maamulka Somaliland.
Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid aqoonsiigii Israa’iil, halka dalalka Shiinaha, Turkiga, Qadar, Imaaratka Carabta, Masar iyo Midowga Afrika ay muujiyeen tageero ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya. Israa’iil ayaa ah dalka keliye ee si rasmi ah u aqoonsatay Maamulka Somaliland.
