November 14, 2026

Maanta, telefoon keliya ayaa kaa dhigi kara wariye, qof caan ah ama il xogeed. Uma baahnid telefishan, uma baahnid istuudiyo; Xitaa uma baahnid hay’ad warbaahineed. Laakiinse haddii aad faafiso xog been ah, sumcad-dil ama hadal kicin bulsho ah, Yaa kula xisaabtamaya? Ka sii muhiimsan: Yaa sharci ahaan nidaamiya baraha bulshada ee Soomaaliya?

Baraha bulshada ayaa maanta ah qayb weyn oo ka mid ah nolol maalmeedka dadka, waa meel laga helo warar iyo xogo, lagu sameeyo ganacsi, laguna dhisto magac iyo saameyn ballaaran. Laakiin weli ma la iska wareystaty, xaggee ayay ku dhammaanaysaa xorriyadda hadalku, xaggeese ayay ka bilaabataa mas’uuliyaddu?

Haddii qof uu sameeyo muuqaal malaayiin qof gaara… Ma wariye ayuu yahay? Ma qof sameeya nuxur baa? Mise waa muwaadin caadi ah oo ka faaideysanaya xuquuqdiisa hadalka? Jawaabta su’aalahan weli si buuxda uma cadda

Hay’adaha dowladda ayaa leh doorar kala duwan. Wasaaradda Warfaafinta waxay qaabilsan tahay siyaasadaha la xiriira warbaahinta iyo nuxurka, halka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranku ay nidaamiso qaybaha isgaarsiinta. Laakiin in la maamulo adeegyada isgaarsiinta iyo maamulka waxa malaayiin qof maalin kasta ku daabacaan internetka waa laba arrimood oo kala duwan.

Bishii Luulyo 2025, Wasaaradda Warfaafinta waxay qabatay wadatashi ku saabsan siyaasadda lagu maareynayo khataraha ka dhasha isticmaalka khaldan ee baraha bulshada. Dowladdu waxay xustay khataro ay ka mid yihiin: xogaha marin-habaabinta, hadallada nacaybka iyo nuxurka xagjirka ah.

Dalalka qaar ayaa nidaamiya dadka ka shaqeeya xayaysiisyada iyo saameynta dijitaalka ah, gaar ahaan marka hawshoodu noqoto ganacsi ama warbaahin. Soomaaliya ma u baahan tahay hannaan la mid ah?

Dooddu waxay si gaar ah u khuseysaa dadka sameeya nuxurka ee leh taageerayaal aad u badan, isla markaana awood u leh inay saameeyaan aragtida dadweynaha. Yaa go’aaminaya nidaaminta? Haddii nidaamintu noqoto hab dowladda ay xakameeyso dadka dhaliila ama ka fikrado duwan…xorriyadda hadalka ayaa khatar geli karta.

Sidaas darteed, xalku ma aha xeer adag, ee xeerar cad. Xeerar qeexaya: Maxaa xorriyad ah? Maxaa xadgudub ah? Yaa go’aaminaya? Yaa fulinaya? Iyo yaa kor joogteynaya cidda kormeeraysa?

Haddii qof faafiyo xog been ah, sharcigee ayaa lagu dabaqayaa? Haddii uu qof kale sumcad-dil geysto, xaggee ayuu dhibbanuhu cadaalad ka raadinayaa? Haddii baraha bulshada loo adeegsado kicinta rabshado ama nacayb.. yaa mas’uul ka ah? Ama sidoo kale, haddii qof uu dowladda dhaliilo… sharcigu ma ilaalinayaa xorriyaddiisa?

Mala isku heli karaa, Xorriyadda hadalka. Ilaalinta bulshada iyo isla-xisaabtanka. Baraha bulshada ayaa maanta ah awoodaha ugu saameynta badan Soomaaliya. Doodu ma aha in la maamulo baraha bulshada?
Balse waa, Yaa dejinaya xeerarka—sideese loo hubinayaa in nidaamintu aysan isu beddelin caburin?

Leave A Reply

Exit mobile version