Uganda ayaa diyaarineysa qiyaastii 1,200 askari oo ka qeyb qaata Ciidanka Caalamiga ah ee Xasilinta Gaza, iyadoo ciidamadii ugu horreeyay la filayo inay howlgalka bilaabaan bisha Oktoobar, sida ay warisay The EastAfrican.
Baarlamaanka Uganda ayaa horey u ansixiyay in 1,200 askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) loo diro howlgalka. Ciidamadan ayaa la filayaa in ay qeyb ka noqdaan ciidamo caalami ah oo loo dhisayo in ay taageeraan amniga iyo wareejinta mas’uuliyadda Gaza.
Howlgalka ayaa la qorsheynayaa in loo fuliyo qeyb qeyb, iyadoo ciidamada ay sugayaan amniga goobaha, wax ka qabanayaan hubka iyo kaabayaasha milatari, ugu dambeyntiina taageerayaan in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamo Falastiiniyiin ah oo la hubiyay iyo hay’adaha rayidka.
Si kastaba, waxaa weli jira arrimo dhowr ah oo aan la xallin, kuwaas oo ay ka mid yihiin xeerarka hawlgalka iyo adeegsiga awoodda, doorka iyo goobaha ay ka howlgeli doonaan ciidamada dal walba, iyo qaabka loo maalgelinayo howlgalka.
The EastAfrican ayaa sheegtay in dalalka ciidamadooda ku biirinaya howlgalka laga filayo in ay guud ahaan iska bixiyaan kharashaadka ciidamadooda, halka Maraykanku uu ballanqaaday 206 milyan oo dollar oo loogu talagalay kaabayaasha, gaadiidka, qalabka iyo baahiyaha kale ee howlgalka.
Ka qeybgalka Uganda wuxuu UPDF siinayaa door toos ah oo ku saabsan mid ka mid ah howlgalada amni ee ugu xasaasisan Bariga Dhexe, iyadoo Uganda ay leedahay khibrad ballaaran oo dhanka howlgallada nabad-ilaalinta Afrika, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Howlgalka ayaa la filayaa inuu bilaabmo Oktoobar, balse qaab-dhismeedka kama dambaysta ah ee ciidanka, xeerarka hawlgalka iyo qorshaha fulinta ayaa weli la diyaarinayaa.
