August 12, 2026

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka bilaabaysa iibinta qaybo ka mid ah hantideeda. Arrintan waxay kusoo beegmaysaa xilli mustaqbalka AUSSOM uu wajahayo hubanti la’aan weyn, kadib markii Mareykanku sheegay inuusan maalgelin doonin taageerada UNSOS wixii ka dambeeya dhammaadka 2026.

Haddaba, maxay tani uga dhigan tahay howlgalka AUSSOM?

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya, UNSOS, ayaa ku dhawaaqay inuu raadinayo shirkado xaraash oo maamula iibinta qaybo ka mid ah qalabka iyo hantida Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Hantida la iibinayo waxaa ka mid ah gaadiid, konteenarro 20 iyo 40 fiit ah, matoorro koronto, kombiyuutarro iyo qalabka shabakadaha, agabka xafiisyada, qalab caafimaad iyo shaybaarro, iyo mashiinno culus oo dhismo.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in shirkadaha doonaya inay qabtaan shaqadan ay tahay inay haystaan ruqsad xaraash, iska diiwaangeliyaan UN Global Marketplace, isla markaana ay joogitaan rasmi ah ku leeyihiin Soomaaliya.

Laakiin iibinta hantidan waxay kusoo beegmaysaa xilli xasaasi ah. Sababtoo ah UNSOS ma aha xafiis Qaramada Midoobay oo siyaasadeed. Waxay laf-dhabar u tahay taageerada saadka ee AUSSOM.

UNSOS waxay AUSSOM siisaa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin gaadiidka iyo daabulka ciidamada iyo qalabka, adeegyada caafimaadka, sahayda iyo taageerada isgaarsiinta.

Laakiin 1-dii Luulyo, Mareykanku ayaa Midowga Afrika ku wargeliyay inuusan taageeri doonin UNSOS wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2026. Washington waxay sheegtay inaysan diiddanayn in AUSSOM sii joogto Soomaaliya, balse aysan taageeri doonin UNSOS ama hawlgal iyo saadka Qaramada Midoobay bixiso.

Haddaba, iibinta hantida UNSOS ma ka dhigan tahay in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka baxayso?
Jawaabtu weli ma cadda.

Qaramada Midoobay ma aysan sheegin in iibintan ay tahay bilowga bixitaan buuxa
Laakiin waqtiga ay ku soo beegantay ayaa su’aalo badan dhalinaya. Gaar ahaan iyadoo AUSSOM ay weli ku tiirsan tahay UNSOS, isla markaana aan weli la helin hannaan cad oo beddela taageeradaas wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan.

Haddii aan la helin hannaan cusub oo lagu maalgeliyo laguna taageero howlgalka, mustaqbalka AUSSOM wuxuu wajihi karaa farqi weyn oo dhinaca hawlgalka ah. Iibinta hantida UNSOS-na waxay hadda u muuqataa calaamad kale oo muujinaysa in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya loo diyaarinayo in la xiro.

Leave A Reply

Exit mobile version